Allah u naxariiste Cabdiraxmaan Cumar Abshir oo la dhashay gudoomiyaha labaad ee golaha Shacabka Cabdillahi Abshirow ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Kaabo-goday ee degmada Wajir.

Marxuum Cabdiraxmaan oo ahaa wiil dhalinyaro ayaa dilkiisa waxaa geystay koox ku hubeysan bistoolado, waxayna dhowr xabad kaga dhufteen madaxa.

Marxuumka ayaa gobta ku geeriyooday, iyadoo kooxda dilka geystay ay isaga carareen goobtii uu dilka ka dhacay.

Meydka Marxuum Cabdiraxmaan ayaa loo qaaday xarunta CID ee Muqdisho.

Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow(Allha u Naxariisto)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here