Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii ka dhacay hotelka Villa Rays oo ku yaalla aagga Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkaasi loo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo uu soo galay tuhunka weerarka.
Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haatan askartaas la xiray ay ku socdaan baaritaano dhab ah oo la xariira tuhuno ka dhashay ku lug lahaasha weerarkii hotel Villa Rays ee dhacay 28-kii bishii Novembar ee sanadkii dhamaaday 2022.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayaa dhanka kale ka hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka iyo guulaha la taaban karo ay Xukuumaddiisa ka gaartay mudada uu joogo xafiiska.
Waxaa uu shaaca ka qaaday Xamse in meelaha qaar ee laga xureeyay Shabaab ay gaarsiiyeen adeegyada dowladda inta dhimana ay ku howlan yihiin.
Qaraxii hotelka Villa Rays waxaa ku geeriyooday dad fara badan, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo aad u badan iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiro Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Doodishe.