Wararka aan ka heleyno degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegayo in maanta uu degmadaasi ka dhacay qarax miino ah taasi oo la sheegay inay ku kacday gaari MiniBus ah(caasi) ah.

Ugu yaraan hal arday ayaa ku geeriyooday qaraxa kaasi oo saarnaa gaariga uu qaraxa haleelay. Waxaa jiro dhaawacyo intaas ka badan oo soo gaaray shacabkii kale ee gaariga saarnaa.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa iyadoo gobolada fog-fog ay ka socdaan dagaalo goos goos ah oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kooxda Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here