Koob kubadda cagta ah oo lagu xasuusanayey gudoomiyihii hore ee degmada Marka Cabdullahi Waafow ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Marka.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhalinyada degmada Marka oo kaashanaya maamulka degmada, waxaana ku loolamayey dhowr kooxood oo ka dhisan Magalaada Marka.
Koobka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xasuusto waxqabadkii Gudoomihii hore ee degmada Marka ee geeriyooday Cabdullahi Waafow,sarena loogu qaado is dhexgalka Bulshada.
Gabagabada kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxa dhinaca isboortiga ee degmada Marka iyo marti sharaf kale.
