Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay iska-hor-imaadyo culus kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada deegaanka ah ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamadda Somaliland ku leeyihiin Magaalada Laascaanood, dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen hub culus oo dhinacyada dagaalamayey ay is weydaarsanayeen. Ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijinayo in in khasaare xooggan uu dagaalka ka dhashay, kaasoo ku kooban dhinacyada dagaalantay.

Ciidamada Soomaaliland ayaa si buuxdo gacanta ugu haayo magaalada Laascaanood sida uu warbaahinta u sheegay Maayirka magaalada Laascaanood.

Weerarka maleeshiyaadka deegaanka ayaa ku soo beegmayo xili shaley uu magaalada Laascaanood uu soo gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo Gobolka Sool u joogo xasilinta rabshadihii maalmahaan ku soo noqnoqonaayey magaalada Laascaanood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here