Qarax xoog leh ayaa maanta ka lala eegtay Warshaddii hore ee Nac Naca oo hadda ah xero ciidan oo lagu tababaro ciidamada xooga dalka Soomaliyeed. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay agagaarka xerada xilli ay joogeen dhalinyaro badan oo loo tababrayo ciidanimo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ugu yaraan 13 askari ay ku dhinteen qaraxaas oo dhacay xalay fiidkii. Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay in loo diyaarinayey in tababar loogu qaado dalka Masar.

Ma aha markii ugu horeysay ee weerar qaraxyo loo adeegsaday ay ka dhacaan xerada ciidamda ee warashada nacnaca, horay ayaa dhowr qarax lala beegsaday xeradan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here