ooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada debleydii weerarka ku uqaaday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Kooxdan, oo ka koobneyd 6 uu midkood markii hore is-qarxiyey, iyo shan gudaha galay oo markii dambe la filay, ayaa ilaa hadda Al-Shabaab ay shaacisay codad dardaaran oo laga duubay afar ka mid ah.

Xubnaha Al-Shabaab ee galay xarunta gobolka Banaadir ee illaa hadda la shaaciyey ayaa kala ah:

– Haaruun Axmed Faarax (Cabdi-Rabi) oo ka mid ahaa dagaalameyashii weerarka ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Ninkan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habar-gidir, gaar ahaan Jufada Reer Muuse.

Wuxuu ku ku heyb ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka ee Amniga iyo Siyaasadda Yabooh Axmed Diiriye. Wuxuuna ahaa 24 sano jir ku dhashay magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

2- Cilmi Cumar Xassan (Yaxye) ayaa isna ka mid ahaa dagaalyahannadii Al-Shabaab ee weerarka ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. 

Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal, wuxuuna ku heyb ahaa guddomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale. Cilmi Cumar ayaa ku dhashay degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay.

3- Zubeye Al-Muhaajir, oo u dhashay dalka Kenya ayaa ahaa ninka saddexaad ee Al-Shabaab ay shaacisay dardaraarankiisa. Waa Kenynati kasoo jeeda Majengo, Nyeri, waxayna Al-Sehabaab ugu yeeraan dadka ka yimaada dalalka kale ee ka tirsan Muhaajir.

4- Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani) ayaa ahaa ninka afaraad ee ka mid ahaa maleeshiyada Al-Sabaab ee weeraray xarunta Gobolka Banaadir. Wuxuuna sheegay inuu kasoo jeedo beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Makaahiil Cumar Mataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here