Hordhac

Dagaaladda u dhaxeeyay halgamayaasha Beesha Biimaal iyo Maleeshiyada arxanka daran ee dhulbalaarsiga ka waday Shabeeladda Hoose waxa uu soo bilowday bilowgii sagaashameeyadii, waxa uuna hadafkiisa ahaa in shacabka Shabellada Hoose ay iska xoreeyaan maleeshadaas dulmiga iyo barakicinta ka waday gobolkaas.

Dagaaladaas xaq-udirirka ahaa ayaa soo maray heerar kala duwan,waxyna si goos goos ah ay uga socdeen gobolka Sh.Hoose laakiin waxa ay sii xoogeesteen oo ay isu bedeleen dagaalo xiriir ah sanadkii 2013, muddo yar kadib markii xukunka dalka uu la wareegay Xasan Sheekh Maxamuud iyo asxaabtiisa Damjadiid. Sababta ugu weyn ee dagaalkaas uu u xoogeystay ayaa ahayd in Maleeshiyada ka soo hayaantay gobolada Dhexe ee dulmiga ka waday Shabellada Hoose ay dhiiro gelin, maalgelin,saanad iyo hub ay ka helayeen xukuumadii markaas jirtay.

Maadaama ay taageeradaa baaxadda leh ay ka helayeen taliskii markaas jiray, ayaa maleeshiyada ka soo hayaantay gobolada dhexe ay ku dheeradeen in ay goboodfalo laga argagaxo ay ka geystaan deegaanada ay degto beesha Biimaal , sida Degmada No 50, Ceel Wareegow iyo Shalambood. Magaalada No 50 ayaa lagu garaacay Hoobiyaal iyo hubka culculus ee ciidamada dowladda, waxaana la gubay inta ugu badan guriyiihii magaalada, Deegaan u dhow Shalambood ayaa isna waxaa ka dhacay in nolosha lagu gubay Caruur yar yar iyo Hooyadood, oo ah birimigeydo ay xaaraan tahay in la dhibaateeyo, dhaqanka soomaliyeed iyo shuruucda caalamiga ahna ay mamnuucayaan.

Haddaba, iyadoo ay xukunka dalka mar kale ku soo noqdeen Kooxdii Xasan Sheekh ee mas’uulka ka ahaa tacadiyadaas, ayaa waxaan isku dayi doonaa inaan si kooban uga jawaabo su’aalahan: maxaan ka faai’dnay dagaaladii horay u dhacay, ma xaqiijiyeen ahdaaftii laga lahaa? Ma gurteen shacabka Beesha Biimaal mirihii halgankooda, kuwii xagal daacinta ku waday ma guuleysteen? Sideen uga hortagi karnaa in tacadiyadii dhacay 2013-2016 aysan dib ugu soo noqon? Ma nahay kuwo u diyaar ah in ay dadkooda ka difaacaan dulmiga noocaas oo kale ah hadii uu dib u soo noqdo?

Maxaan ka faa’dnay dagaaladii hore?

Dhamaan dagaaladii beesha Biimaal ay kula gashay maleeshiyada dhulbalaarsiga ka waday Sh.Hoose waxa ay ahaayeen dagaalo iska-caabin, dhulmi-diid ah oo lagu difaacayey sharafta iyo karaamada shacabka beesha Biimaal. Dagaaladaas waxa ay ahaayeen dagaalo xaq u dirir ah oo beesha Biimaal ay ka mideysneyd, una hureen hanti iyo naf. Waxaana ku shahiiday dhalinyaro badan oo hadafkooda ahaa in ay shacabkooda ka dulqaadaan dulmiga. Dagaaladaas hadafka laga lahaa waxaa ka mid ah:

  1. In Maleeshiyada ka soo hayaantay gobolada dhexe ee tacadiyada ka waday gobolka Shabellada Hoose laga xoreeyo deegaanada ay dhibaatada ka wadeen, loona dhigo cashar lama ilaabaan ah oo aysan dib dambe ku soo damaacin deeganada beesha Biimaal
  2. In cashar loo dhigo horjoogayaasha maleeshiyadaas kuwaas oo jagooyin siyaasadeed iyo mid ciidan iyo dane dhaqaale ku heystay gobolka, isla markaana tageero maaliyadeed iyo mid adin u fidin jiray maleeshiyadaas, lagana xiro ilihii dhaqaale ay dagaalada ku hurin jireen.
  3. In Beesha Biimaal ay siyaasad ahaan iyo maamul ahaan ka taliso deegaanadeeda, ayna ka faai’deystaan kheyraadka ilaahay uu ku manneystay deeganada beesha Biimaal
  4. In Beesha Biimaal ay ka hesho dowladda federalka iyo Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur galbeed xuquuqda ay ku leedahay maamuladaas, culeysna lagu saaro siyaasiyiinta beesha iyo madaxda maamuladaas in beesha aysan marna ka tanaasuleyn xuquuqdeeda.

Hogaamiyaasha halgankaas iyo guud ahaan  beesha Biimaal waa ay xaqiijiyeen inta badan ujeedooyinkas kor ku xusan, waxaana taas marag ma doonto u ah in maanta maleeshiyada ka soo hayaamay gobolada dhexe aysan ku dhiiran karin ay ka geystaan gobolka Sh.Hoose tacadiyadii horay uga dhici jiray.Geesiyaasha beesha Biimaal ayaana maanta heegan ku ah deegaanada beesha, iyagoo sugaya ammaanka shacabkooda, hormuudna ka ah maamulada ka dhisan deegaanada beesha Biimaal.

Laakiin, dhinaca kale haddana waxaa jira, hagardaamooyin iyo shirqoolo ay iska kaashanayaan horjoogayaasha Maleeshiyadii laga adkaaday iyo Jihooyin kale oo lagu doonayo in dib loogu celiyo Beesha Biimaal dhibaatooyinkii laga soo gudbay.

Lasoco qeybta 2aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here