Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.
Illaa 4 hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen ilinka laga galo dhismaha xarunta Villa Soonaaliya, sida ay markanews u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo kusoo aaday, xilli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqisho.
Ciidamada ammaanka ayaa ku sugan jidadka, kuwaas oo loo keenay inay xaqiijiyaan amniga caasimada oo uu maanta ka dhacayo shirweyne caalami ah.