In ka badan 900 qof ayaa ku geeriyooday ka dib markii dhulgariir aad u xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 uu burburiyay dhismayaal tiro badan oo ku yaalla koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya. Dhul-Gariirkan ayaa laga dareemay meelo fog fog sida Lubnaan, Qubrus iyo Masar.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaartay 942 qof halka dhaawacyada ay kor u dhaafayaan 5 kun oo qof.

Dhanka kale, Kaaliyaha wasiirka caafimaadka ee Suuriya Ahmad Dumeira ayaa sheegay in ugu yaraan 200 qof ay ku geeriyoodeen aagagga ay dowladdu gacanta ku hayso ee dalkaas, halka dhakhaatiirta goobaha ay mucaaradka Suuriya gacantu ku hayaan ay sidoo kale sheegeen in tobanaan 160 qof ay dhinteen.

Shaqaale gurmad deg deg ah sameynaayo ayaa loo daad gureeyay Turkiga iyo Suuriya si ay uga soo saaraan dadka weli ku hoos jira burburka.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkaan tacsida ah“Waxaan u direynaa tacsi dhammaan muwaadiniintayada ay waxyeeladu ka soo gaartay dhul-gariirka”.

Dhul-gariirka cabiirkiisa heerkan ah ma ahan mid dhowaan ka dhacay dunida, wuxuuna ku soo beegmay xili cimilada dalalka Turkiga iyo Suuriya ay tahay mid aad u adag oo qabow iyo baraf isugu jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here