Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday deegaan hoostaga degmada Jalalaqsi lagu laayey dad tiradooda gaareyso toddobo qof oo ay saddex kamid ah ay qaraabo dhow ahaayeen.
Gantaalka lala dhacay dadkaan shacabka ah oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa loo maleynayaa in ay geysteen diyaaradaha Mareykanka ee taageerada militari siinayo ciidanka dowladda federalka ee Somalia.
Wararka waxay intaas ku darayaan in goobta la duqeeyey meel aan joogeynin uu ku yaallo saldhig ay Xarakada Alshabaab leedahay oo loo maleynayo in saldhigaas uu ahaa bartilmaameedka duqeynta shacabka lagu laayey.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka sare ee dowladda federalka iyo Maamulka Hirshabelle oo la xiriira dhacdadan foosha xun.